9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2024
Golaha Wakiilada Somaliland oo xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib ku tilmaamay sharci-daro

Isniin, September, 2, 2024 (HOL) -  Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ku tilmaamay dastuur jabin.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa lagu sheegay in mudanaha la xidhi karo oo kali ah hadii uu marka la qabanayo fal-danbiyeed faraha kula jiro.

"Shir-guddoonka Golaha Wakiiladu waxa uu shacabka Jamhuuriyada Somaliland u caddaynayaa in xadhiga Mudane Maxamed Abiib Yuusuf, oo maanta oo ay taariikhdu tahay 2,9,2024 lagu xidhay Hargaysa isla markaana loo qaaday jeelka Madheera uu baalmarsanyahay qodobka 49 ee dastuurka" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay shir-guddoonka.

Goluhu waxa uu sheegay in mudanaha la qaban karo oo kali ah hadii la arko isaga oo fal-danbiyeed faraha kula jira, markaana loo baahanyahay in golaha si dhakhso ah loo soo ogaysiiyo, lakiin aan ilaa hada golaha loo sheegin in markii la qabtay uu danbi faraha kula jiray iyo in kale.

"Sidaa darteed xadhigaasi waxa uu ka hor imanaya dastuurka mudanaha siiyay dhawrsoonaan ay tahay in la ilaaliyo oo aan sinaba loogu xadgudbin" ayuu shir-guddoonku sii raaciyay.

Shir-guddoonku waxa uu ugu baaqay laamaha amaanka in ay si deg deg ah Abiib ugu soo celiyaan xoriyadiisa.