9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2024
Puntland oo sababo amni awgeed Garowe uga saaraysa qaxootiga Itoobiyaanka
 

Isniin, September, 2, 2024 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaadday qorshe lagu  daadgureynayo dadka ka soo qaxay Itoobiya ee sida sharci darada ah ku jooga caasimadda Garoowe.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha ugu muhiimsan ee dalkooda loogu celinayo Itoobiyaanka in ay tahay, walaaca la xiriira xagga amniga, nadaafadda, iyo isdhexgalka dhaqanka.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay hay'adaha caalamiga ah inay ka qeyb qaadanayaan dhismaha xarumo ku-meel-gaar ah oo la dajinayo qaxootiga inta ay ka sugayaan dib u celintooda.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaanahaan ammaanka Puntland aad loo adkeeyay, kaddib markii magaalada Garowe lagu qabtay shakhsiyaad lala xiriiriniyo inay kamid yihiin Alshabaab.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland, waxaa jirta cabsi weyn oo laga qabo in kooxaha Shabaab iyo Daacish ay ka faa’iideystaan xaaladaha ay ku sugan yihiin dadkan, iyagoo u adeegsanaya falal argagixiso.