9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2024
Qaraxyo khasaare badan geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Sabti, September, 14, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo gabal dhacii maanta ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo is xig xigay ayaa ahaa miinooyin nooca dhulka lagu aaso, kuwaas oo ka dhacay wadada laamiga ah ee degmada Kaxda, gaar ahaan meel dalcad ah oo dhalinyarada isku sawiraan.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 5 ruux oo u badan dhalinyaro Tiktokley ah iney ku geeriyoodeen qaraxyada oo la sheegay iney ahaayeen laba qarax oo is xigay halka dhaawacu uu intaasi ka badan yahay.

Qaraxyadaan ayaa jugtooda laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemaya goobta ay qadaxyadu ka dhaceen

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda fedaraalka Soomaaliya oo gaaray goobta ayaa halkaasi ka wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxyada khasaaraha badan geystay ee gabal dhacii maanta ka dhacay degmada Kaxda.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan qaraxyadaan khasaaraha badan geystay.