9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2024
Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ku gaaray isfahan ku saabsan xoojinta nabadda Mudug
 

Sabti, September, 14, 2024 (HOL) - Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa ku heshiiyay xoojinta isdhexgalka bulshada iyo nabadaynta gobolka Mudug, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa si gaar ah looga wada hadlay sidii xal loogu heli lahaa colaadaha ka jira gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanada miyiga ah. Deni, iyo Qoorqoor, ayaa isla gartay in gobolka Mudug laga fuliyo mashaariic lagu adkeynayo nabadda iyo joojinta colaadda, iyadoo la qorsheynayo in la qabto shirweynaha nabadaynta gobolka Mudug.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay in la joogteeyo kulamada heer wasiir, kuwaas oo saddexdii biloodba mar lagu sameyn doono korjoogteynta dadaalada nabadeed ee gobolka Mudug.

Kulankooda ayaa kusoo beeganmay xilli deegaano ku yaala bariga gobolka Mudug ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeya maleyshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda labada maamul, kuwaas oo lagu guuleysan waayay in xal laga gaaro.

Kulankaan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee dhexmara Qoorqoor iyo Deni, tan iyo markii Puntland ay kasoo horjeesatay inay ka qeyb gasho kulamada golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in labada madaxweyne ay qorsheynayaan in ay yeeshaan isbahaysi siyaasadeed oo ku wajahan doorashooyinka soo socda, taasoo la filayo inay saameyn ku yeelato siyaasadda dalka.