10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2024
Guddoomiyaha Cabudwaaq: Ganacsato iyo dad dowladda katirsan ayaa ugu talo galay inuu xirmo garoonka diyaaradaha Cabudwaaq, balse ma shaqayn
 

Arbaco, October, 9, 2024 (HOL) - 13 maalmood kaddib garoonka diyaaradaha ee degmada Cabdudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa dib u bilaabay howlihiisii duulimaadyada gudaha.

Garoonka ayaa u xirnaa saamaynta ka dhalatay colaad labo beelood ku dhexmartay deegaano katirsan gobolka Galgaduud, iyadoo mid kamid ah maleyshiyaadka dagaalamay ay ku hanjabeen in ay bartilmaameed sanayaan diyaaradaha kasoo daga garoonka, taasoo cabsi weyn ku abuurtay shirkadaha wakiilka ka ah diyaaradaha ka daga Cabudwaaq.

Dhinaca kale, maamulka degmada Cabdudwaaq ayaa beeniyay in garoonka uu u xirnaa arrimo colaadeed, iyagoo sheegay in dad ganacsato ah iyo dad dowladda katirsan ay iska kaashadeen in borobogaando amni xumo ah laga gudbiyo garoonka Cabudwaaq, iyadoo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in garoonku uu xirmo, iyadoo laga leeyahay dano siyaasadeed iyo dano ganacsi.

“Niman ganacsiga diyaaradaha ka shaqeysan jiray ayaa ugu talo galay inay dadka degmadan cuuryaamiyaan, oo ay ku talo galaan in garoonkaan uu xirmo si garoomo kale loo isticmaalo, taasina ma suuroobin,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Cabudwaaq.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay shirkadaha duulimaadyada ee ku lug arrimahaan in aysan mar dambe dib ugusoo laaban doonin Cabudwaaq.