10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara
 

Arbaco, October, 9, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, isagoo halkaas ku tagay booqasho rasmi ah oo uu kula kulmi doona dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Asmara ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea.

Booqashadan ayaa ujeedkeedu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo diiradda lagu saarayo arrimaha saameynta ku leh Geeska Afrika, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada ayaa ka mid ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Safarka Ereteriya ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay Soomaaliya ka taagan tahay xiisado colaadeed, iyadoo shirkii golaha wadatashiga Qaran oo ay ka qayb-galeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada ay soo food-saartay khilaafyo siyaasadeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan ka baxay shirka, isagoo ku sababeeyay inuu dalbaday in Puntland iyo Khaatumo lagu soo daro wada hadalada. Madoobe ayaa ku dooday in ka qeyb galka ay muhiim u tahay xaqiijinta doorasho lagu kalsoonaan karo oo dalka oo dhan ka dhacda 2026.