10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 22, 2024
Ku dhawaad 10 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Talaado, October, 22, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay deegaano ku yaala bariga gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan u dhaxeeya deegaanada kala ah Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha deegaanka Cali Axmed, Axmed Cabdulle Aadan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in weerarka Al-shabaab saakay soo qaaday looga dilay ku dhawaad 10 xubood, islamarkaana haatan ay kusii raad joogaan ciidanka deegaanka firxadka kooxda.

Lama soo warin wax khasaare ah oo dagaalka kaso gaaray ciidanka deegaanka, waxaana la sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah, kasoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo gobolka Galgaduud, gaar ahaan barigiisa ay ciidaka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ka wadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaas.