10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 22, 2024
Dowladda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galeysa dalka Mareykanka
 

Talaado, October, 22, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa uga qeyb galaya magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka shirka sanad laha ah ee Bangiga Adduun iyo IMF.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan in ka badan boqol wadan ayaa socon doono mudo todobaad ah, waxaana diiradda la saari doonaa horumarinta dhanka dhaqaalaha iyo ka mira dhalinta hanaanka lagu xoojinayo maaliyadda dalalka lagu martigaliyay, kuwaas oo qudhooda kusoo bandhigi doona shirka aragtiyadooda horumarinta dhinaca Maaliyadeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa halkaas kulamo hordhac ah kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka, waxaana kulamadaasi ay ahayeen kuwa diiradda lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa garab istaagga Soomaaliya.

Masuuliyiinta uu Wasiir Biixi Iimaan la kulmay waxaa ka mid ah Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koofurta iyo Bariga Afrika Victoria Kwakwa iyo Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga dhexe iyo dalalka Bartamaha Asia.

"Kulanka oo muhiim u ahaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa wafdiga Dowladdu waxa ay la qaateen Mudane Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga dhexe iyo Dalalka Bartamaha Asia. Waxaa kulankaan si gaar ah loogu lafaguray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo hada meel wanaagsan maraya kadib deyn cafintii iyo qorshaha Istaraatiijiga ah ee koncinta dhaqaalaha Soomaaliya oo IMF ay door weyn ku leedahay. Kulanka labada dhinac ayaa ku soo gaba gaboobay guul iyo is afgarad" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Sanadkii lasoo dhaafay dhamaadkiisii ayay aheyd markii Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga cafiyo deyntii waqti dheer ku taagnayd kadib markii Hay’adda Lacagta Adduunka, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Ururrada kale caalamiga ah ay isku raaceen iney Soomaaliya soo buuxisay shuruudihii la hordhigay.