Hiiraan Online
12/22/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo loogu baaqay inuu kala diro Hirshabeelle
Jimco, October, 18, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee maamulka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa wax-qabad la'aan ku dhaliilay madaxda iyo maamulka Hirshabelle, iyadoo todobaadkan maamulka Hiiraan State uu u dabaal-degay sanad-guurada koowaad
Hiiraan State oo fadhigiisu yahay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in uu ka go'ay maamulka Hirshabelle. Cali Cabdullaahi ayaa tilmaamay in xafladaha Hiiraan State ee ka dhacay Beledweyne iyo Mogadishu ay muujiyeen in dadka reer Hiiraan ay tashadeen.
"Hirshabeelle aniga ayaa ahaa madaxweynahii ugu horeeyay waxaana cadeynaya iney dhimatay, waxaana dilay ninka kaligiis fadhiya mudada dheer Cali Guudlaawe, dabaaldegyadii Hiiraan State ee qalqiga badan isugu soo baxeen waxay cadeyneysay heerka naceybka loo qabo Hirshabeelle" ayuu yiri madaxweyne hore Cali Cabdullahi Cosoble.
Wuxuu sidoo kale xusay madaxweynahii hore ee Hirshabeelle in xalka kaliya ee lagu dhameyn karo tabashada reer Hiiraan iney tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu kala diro Hirshabeelle.
"Madaxweyne Xasan Sheekh Hirshabeelle isaga ayaa digreeto madaxweyne ku dhisay hadana xalka wuxuu ku jira inuu digreeto madaxweyne ku kala diro, si loo helo nidaam cusub oo ay ku qanacsan yihiin dhamaan dadka" ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.
Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi ayaa kusoo aadaya, iyadoo wali Hirshabeelle ay wajaheyso diidmo xoogan oo ay ka qabaan dadka reer Hiiraan, taasoo la xariirta hanaanka saami qeybsiga ee lagu dhisay Hirshabeelle.