10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2024
Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Muqdisho
 

Jimco, October, 18, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo galinkii dambe ee Shalay ka dhacay afaafka hore ee xerada Iskuul Buluusiya.

Qaraxa oo ahaa mid uu fuluyiy ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa galaaftay nolosha ilaa 7 ruux oo isugu jiray askar iyo shacab, waxaana sido kale ku dhaawacmay lix ruux oo kale.

"Maantey oo Taariikhda Tahay 17-oct-2024 abaaro 15:27hrs ama 03:27pm Ruux Naftii Halige ah oo isku Soo xirey Walxaha Qarxa ayaa ku Qarxay xaafada isku raranta ah ee Kasoo Horjeeda Barxada Iskool Boliisiya halkaas oo ay ku yaalaan Geedo ay Dadka Meesha Degan Harsadaan. Qasaaraha Hordhaca ah oo laxaqiijiyey waxay kala yihiin Dhimashada 07 Ruux oo isugu Jira Ciidan iyo Shacab" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Goobta qaraxaan Ismiidaaminta ah uu ka dhacay ayaa ka mid ah meelaha sida weyn loo ilaaliyo amaankeeda, waxaa maqaayadaha ku yaala afaafka hore ee xeradaan fariista dad u badan saraakiil iyo askar ka tirsan Booliiska.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay u muuqday mid faraha kasii  baxayay, kadib markii ay kusoo kordheen dilalka qorsheysan ee lagu beegsanaayo ganacsatada magaalada Muqdisho oo goobahooda ganacsi ku xiray kaamerooyinka ay amartay dowladda.