10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta shir muhiim ka daah furay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, October, 16, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka daah furay barnaamijka qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka (NTP) 2025-2029.

Munaasabadda Daah furka qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Xamse Cabdi Barre, ku xigeenkiisa, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaano, masuuliyiin ka socota Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay dowladdiisu shaqaaleysiisay 70 kun oo ruux oo isugu jira Shaqaale Rayid ah iyo ciidanka amniga.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha in bilaha soo socda ay dalka ka billaaban doonaan mashaariic badan iyo maal gashiyo kala duwan, isagoona xusay inuu dhiirri gelinayo ganacsiyada gaarka loo leeyahay oo uu tilmaamay iney ka qayb qaadanayaan yaraynta shaqa la’aanta.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan horumarka dalka iyo dowladnimada, wuxuuna carab ku adkeeyay in xalka Soomaaliya uusan ku jirin ismaquunin awoodeed, islamarkaana loo baahan yahay in shanta sano ee soo socata la gaaro meeshii la rabay.

“Ma jiro qof Soomaali ah oo Awood ku maquunin kara Mustaqbalka Soomaaliya, laakiin talo ayuu ku leeyahay, hana isku dayin hana ka shaqeynin in aad tiraahda anaa diiday ee ogoloow Ra’yiga aad qabta in lagaala doodo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii shirkaan oo socon doono maalmaha soo socda ayaa madaxda iyo martida kale ee ka qeyb galeysa waxay isku  dhaafsan doonaan aragtiyadooda la xariira qorshaha Isbeddalka Qaranka.