10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 16, 2024
Muqdisho: Kooxo hubeysan ragg Ganacsato ahaa ku dhex dilay goobahooda ganacsi
 

Arbaco, October, 16, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo maanta goobahooda ganacsi loogu dgex geystay dhalinaro Dukaamo ganacsi ku lahaa xaafada Soonakey ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa geeriyootay mid kalana dhaawac ahaan ayaa loola cararay goobaha Caafimaadka, kadib markii kooxo bastoolado ku hubeysnaa oo loo maleynayo iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ay dhalinyaradaan ku beegsadeen goobahooda ganacsi.

Raggaan dhalinyarada ahaa ee maanta lagu dilay goobahooda ganacsi ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan in sababaha loo dilay ay la xariirto in ay Dukaamadooda ganacsi ku xirteen kaamira CCTV darteed, waxaana goobta si caadi ah uga baxsaday kooxdii hubeysneyd ee fulisay dilalka qorsheysna ee loo geystay dhalinyarada ganacsatada aheyd.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo gaaray goobta dilalka ka dhaceen ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaano, waxaana la tilmaamay in  ciidamada muuqaalo kala baxeen kaamirooyinkii ku xirnaa dukaamada ganacsi ee lagu dhex dilay labada nin ee dhalinyarada ahaa, islamarkaama mid sadaxaad lagu dhaawacay.

Si kastaba ha ahaate dhacdaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo maalmo kooban ka hor sidaan oo kale degmooyinka Deyniile iyo Hiliwa ay uga dhaceen dilal loo geystay rag ganacsato ahaa oo Dukaamadooda ku xiray kaamirooyinka CCTV oo ay amartay in lagu xiro goobaha ganacsi dowladda Fedaraalka Soomaaliya, halka Al-shabaabna ay diiday in lagu xiro  Kaamerooyinka goobaha ganacsi

Ugu dambeyntii gacansatada magaalada Muqdisho ee u hogaansantay amarka dowladda ee la xariiray xerista Kaamerooyjnka ayaa haatan wajahaya cabsi xoogan oo lasoo  daristay, kadib beegsiga lagu haayo oo kordhay.