10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2024
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku qaarijiyay xubno katirsan kooxda Alshabaab

Talaado, October, 15, 2024 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug, kaasi oo la doonayay in lagu ciribtiro xubno katirsan kooxda Alshabaab.

Howlgalka oo ka dhacay meel u dhow tuulada Qeycad ayay ciidamada XDS ku guulaysteen inay ka takhalusaan xubno badan oo ka tirsan kooxda Shabaab sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Howlgalladan ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin dadaallada ay ciidamada XDS ku xoojinayaan amniga iyo ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo xaqiijinta badqabka iyo amniga bulshada.

Wasaaraddu waxay sheegay in warar dheeraad ah oo ku saabsan hawlgalka ay bixin doonto marka ay xaaladdu qimayso.