10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 15, 2024
Ciidanka dowladda oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay in ka badan 10 tuulo oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose
 

Talaado, October, 15, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 14- Oktobar ayaa saakay howlgalo qorsheysan ka sameeyay inta u dhaxeysa magaalooyinka Shalaanbood iyo Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalada ayaa si gaar ciidanka guutada 14-ka Oktobar uga fuliyeen ilaa 15 tuulo oo kala ah Kaaytooy, Mushaani, Majabto, Doonkaa daafeedow, Buulakamiirow, Buulajadiid,  Shufeeri, Doondheere, Cadceed, Malable. Buulanaaji, Buulaaruundi, Malable iyo Beeraha baay.

Taliyaha guutada 14-ka October Gaashaanle sare Nuur Farey oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalada ay ahayeen kuwa sifeyn ah, islamarkaana ciidanku ay ku burburiyeen goobo gabaadyo u ahaa kooxda Al-shabaab.

Taliye Nuur Farey ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada khasaarre ku gaarsiyeen xubno ka tirsan Al-shabaab, walow uusan shaacin inta uu dhan yahay khasaaraha gaaray kooxda.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada baaritaano ka wadaan gudaha tuulooyinka ay saakay howlgalada sifeynta ah kula jarmaadeen oo horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab.

Lasoco wixii kusoo kordha wararka.