12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya laga rarayo madaxtooyada
 

Talaado, November, 5, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya oo hadda ku dhex taal xarunta madaxtooyada loo rari doono meel kale.

Wasiirka arrimaha dibadda aaya sheegay in go’aankaan la gaaray ka dib markii walaac laga muujiyay safaaradda Itoobiya in ay ku dhextaalo madaxtooyada.

“Walaaca ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan goobta ay safaaraddu ku taal waa sax. Waxaanu si degdeg ah u qaadi doonaa tallaabo aanu ugu wareejinayno goob cusub oo ka baxsan madaxtooyada.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Goobtii hore ee ay ku taalay safaarada Itoobiya hadda wax faa’iido ah oo ay leedahay ma jirto. Waxaan dib u dayactir ku sameyn doonaa goobtaas, waxaana u rari doonnaa safaaradda halkaas ku taal.”

Fiqi ayaa horey u sheegay in dowladdii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ay safaaradda Itoobiya dajisay madaxtooyada dalka. Isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn arrintaas.