12/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2024
Kismaayo: Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay wafdi ka socday Dowladda Kenya
 

Talaado, November, 5, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarubta KMG Jubaland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe uu ku qaabilay guriga martida ee Magaalada Kismaayo wafdi Kenyan ah oo doonaya inay xal u raadiyaan khilaafka Axmed Madoobe kala dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

War kooban oo laga soo saaray Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri " Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socday Dowladda Kenya isla Markana Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS".

Wafdigan waxaa hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii  hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.

Kulanka Mas'uuliyiintaan ay la qaateen Madaxweyne Axmed Madoobe lama oga ilaa iyo hadda waxyaabaha ay miiska soo saareen iyo sida ay wax uga badeli doonaan xiisada ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Jubaland wixii ka dambeeyay markii lasoo saaray war murtiyeedkii Shirka Madasha waxa ay ku hanjabtay inay doorasho iskeed ah ay qabsan doonto inta sanadka uusan dhamaan taa oo u muuqata in Axmed Madoobe markale doonayo inuu doorashadaas kusoo baxo.

Kulamada Wafdiga Kenya ka socda iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa ilaa maanta kasii socon doona Magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in laga soo saari doono qodobada ay dhinacyada ku heshiiyeen.