Hiiraan Online
12/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2024
NISA oo Muqdisho kusoo bandhigtay laba nin oo ku eedeysan dilal loo geystay ragg ganacsato ahaa
Arbaco, October, 13, 2024 (HOL) - Taliska hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin oo ku eedeysan iney gudaha magaalada Muqdisho ku dileen sadax ruux oo ganacsato ahaa.
NISA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in labadaan nin ay ku eedeysan yihiin dilal dhawaan loogu geystay sadax nin oo ganacsato ahaa degmada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho.
Labadaan Nin ee NISA gacanta kusoo dhigtay ee ku eedeysan dilalka ganacsatada ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali, waxaana sidoo kale NISA ay sheegtay iney ku raad joogto eedeysan sadaxaad oo qeyb ka ahaa dilalka loo geystay raga ganacsatada ahaa.
Soo qabashada ragaan ayaa kusoo beegneysa, iyadoo bilahii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lagu dilay ganacsato badan sababo la xariira in goobahooda ganacsi ay ku xireen Kaamirooyin, kadib markii ay amartay dowladda Fedaraalka in ganacsatadu xirtaan Kaamerooyin, waxaana talabaadasi ganacsatada u diiday kooxda Al-shabaab.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka NISA oo dhameystiran:-