12/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2024
Musharixiinta Madaxweynaha Somaliland oo Codkooda Dhiibtay Bulshadana Fariimo u Diray

Arbaco, October, 13, 2024 (HOL) - Musharixiinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay in ay nabad ku codeeyaan, isla markaana la aqbalo natiida doorashada.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo codkiisa ka dhiibtay Xarunta Hay'adda Shaqaalaha, ayaa ku baaqay in natiijada la aqbalo.

"Anigu madaxweyne ahaan waxan leeyahay natiijada uu soo saaro koomiishanku hala aqbalo, dabadeed yaan la hadlin, go'aanka uu koomiishanku soo saaro anigu waan ku gawracanahay, kama hadli karo, mucaaradkana waxan leeyahay natiijada miyirqab haku aqbalo" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in aanu ka warwarsanayn in la doorto iyo in aan la dooran lakiin ay muhiim u tahay in doorashadu ay guul iyo daganaan ku dhamaato, oo ay Somaliland guulaysato.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo isna goobta ka codeeyay ayaa bulshada ugu baaqay in ay isbadalka u codeeyaan, isaga oo sheegay in doorashadani ay tahay fursad naadir ah oo soo martay shacbiga Somaliland.

Musharax Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in doorashadani ay caddayn u tahay madaxbannaanida Somaliland, isaga oo ku baaqay in natiijada la aqbalo.