7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2024
Shariif Sheikh Axmed: Dalka kama qabsoomi karto doorasho aan heshiis lagu ahayn
 

Axad, May, 19, 2024 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu ku howlan yahay awood marooqsi uu ugu gogol xaarayo muddo kororsi iyo doorasho uu kaligiis maamulayo.

Shariif Sheikh Axmed oo hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa war saxaafadeed uu soo saaray xisbigiisa, waxaa uu ku sheegay in aysan dalka ka qabsoomi karin doorasho aan loo dhamayn, isagoo madaxweynaha Soomaaliya uga digay inuu dalka u horseedo qalalaase siyaasadeed.

Shariifku wuxuu ku baaqay in saamilayda siyaasadda ay ka heshiiyaan arrimaha masiiriga ah ee dalka, sidoo kalena ay dowladdu fara galinta ka dayso doorashooyinka kusoo wajahan dowlad goboleedyada.

Hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay masuuliyad iska saarto xal u helidda khilaafka iyo kala qeybsanaanta ka dhalatay hannaanka loo dhameystirayo dastuurka dalka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladdu aysan ahmiyad siinin khatarta kasoo fool leh heshiiska dhinaca badda ee ay wada galeen Somaliland iyo Ethiopia iyo xaaladda kala guurka amni ee ka dib bixitaanka ATMIS.