6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2024
Howlgal lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Axad, May, 19, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 26-aad guutada 6-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysnaa Xalay ka fuliyay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalka ku dilay xubin ka tirsan kooxda Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Xaaji Eenoow oo ka mid ahaa xubnaha Al-shabaab ee ka dagaalama deegaanada gobolka shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ururka 26-aad ee guutada 6-aad dhame Faarax Maxamuud Xirsi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xogta ninka ka tirsan Al-shabaab ee howlgalka lagu dilay ciidanku lasoo wadaageen shacabka ku nool tuulooyinka hoostaga Golweyn.

Taliye Faarax Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan oo kale ah ay sii wadayaan inta ay ka ciribtirayaan xubnaha kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya maalmahii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ay ka wadeen deegaano ku yaala jiinka wabiga Shabeelle ee gobolkaas.