6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2024
Somaliland oo Soomaaliya ku eedaysay in ay caalamka u tustay in heshiiska Itoobiya uu yahay mid khatar ah
 

Sabti,  May, 18, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasibada 18 May ka sheegay in uu dhawaan fulayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in Soomaaliya anay joojin karin.

Waxa uu sheegay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu hada gabogaboyahay oo dhawaan qalinka lagu duugi doono, isaga oo Soomaaliya ku eedeeyay in ay adduunka jahawareerisay oo ay heshiiska ka dhigtay mid khatar ah, taasina anay run ahayn.

"Itoobiya waxay tidhi waxaanu doonaynaa in aad saldhig ciidan nasiisaan, anaguna aanu aqoonsiga Somaliland kaw ka noqono, taasina tu la seegayo maaha" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Itoobiya ayaa daraad ka dhigtay wakiilkeeda Hargaysa safiir buuxa, iyada oo waliba ku dartay safiirada haysta awooda buuxda sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Madaxtooyada Itoobiya, taasi oo uu Biixi ku tilmaamay hordhaca aqoonsiga.

Madaxa Guddida Farsamo ee ay Somaliland u magacawday ka shaqaynta heshiiska Somaliland iyo Itoobiya Amb: Baashe Cawil ayaa dhawaan sheegay in wajigii kowaad ee heshiisku uu soo gabagaboobay isla markaana shirkad sharci oo Ingiriis ah ay u wakiisheen wajiga labaad.