6/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2024
Ciidamada dowladda oo howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Sabti, May, 18, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 7-aad ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Howlgalada oo ahaa kuwa qorsheysnaa ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle ee dhexmara gobolkaas.

War kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka khasaare xoogan lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay Jiinka Wabiga.

Qoraalka lagu shaacin inta uu dhan yahay khasaaraha howlgaladaas lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab inta uu dhan yahay.

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamka ayaa howlgalo ka dhan ah Shabaab ka fuliya inta badan deegaanada ay kooxdu kaga sugan tahay gudaha dalka.