7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2024
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u safray New York si uu ugu ololeeyo kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
 

Isniin, Juun, 3, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa u safray magaalada New York ee dalka Mareykanka si uu ugu ololeeyo in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayaa imaaneysa ka hor doorashada soo socota ee xubnaha golaha amaanka, oo la qorsheeyay 6-da June inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Booqashada Wasiir Fiqi ee New York ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in taageero loogu helo dalabka Soomaaliya, isaga oo ujeedkiisu yahay in sare loo qaado doorka uu dalku ku leeyahay nabadda iyo amniga caalamka.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dooran doona shan xubnood oo cusub oo ka mid noqon doona golaha ammaanka sanadka 2024.

Kuraasta diyaarka ah ee doorashada ayaa loo qaybiyay sidatan.

Hal kursi oo Afrika ah, oo hadda ay haysato Mozambique;

Hal kursi Aasiya-Pacific, oo ay hadda haysato Japan;

Hal kursi oo Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaankaah  (GRULAC), oo ay hadda haysato Ecuador.

iyo Laba kursi oo loogu talagalay Galbeedka Yurub iyo kuwa kale (WEOG), oo ay hadda haystaan Malta iyo Switzerland.