7/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2024
Ciidamadii ugu badnaa oo maanta kaabiga ku haaya deegaanka Ruunirgood
 

Isniin, Juun, 3, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ay ku hareersan yihiin deegaanka Ruunirgood oo ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Ciidamada ku hareereysan deegaanka Ruunirgood ayaa ujeedkoodu yahay sidii ay deegaankaas uga saari lahayeen kooxda Al-shabaab oo halkaas ku leh difaacyo adag.

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay iney kaabiga ku hayaan deegaanka Ruunirgood, islamarkaana ay madaxda dowladda ka sugayaan amarkii ay ku gali hayeen gudaha deegaankaas.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saakay kooxda Al-shabaab intooda badan ay isaga baxeen fariisimahii ay ku lahayeen gudaha deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Al- shabaab waxaa horay looga saaray gacantooda deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka talin jireen mudo aad u dheer, waxaana la filaya in saacadaha soo socda gacantooda laga saaro deegaanka Ruunirgood.