7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2024
Madaxweyne Biixi: Waxan arkayay jabhad Jabuuti kasoo dhex hanjabaysa, halka kamaan filayn
 

Sabti,  Juun, 29, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay jabhad uu sheegay in ay isku urursanayso guddaha dalka Jabuuti.

Muuse Biixi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in jabhad sheeganaysa in ay xoraynayaan gobolo Somaliland kamid ah ay Jabuuti hoy u noqoto, isaga oo ku tilmaamay wax lala yaabo.

“Waxaan arkayay jabhado jabuuti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, halkaa kamaan filayn, haday jabuuti sidaa la noqotay waxay noqoto ayaynu sugaynaya” ayuu yidhi Madaxwayne Biixi.

Waxa uu sheegay in muxaafad iyo mucaaradba ay ka midaysanyihiin difaacista Somaliland, isla markaana nin kii ka baxa ee mabda kale la yimaadaa uu yahay qof cadowga la soo saftay.

Dowlada Jabuuti ayaa aad uga cadhootay heshiiskii  Somaliland iyo Itoobiya, heer uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku tilmaamay midi dhabarka lagaga dhuftay, halka uu wasiirkiisa maaliyadu ugu yeedhay ixtiraam daro.

Xiisada labada dhinac ayaa ku sal leh arrimo dhaqaale, iyada oo ay dowlada Jabuuti ka warwarsantahay in Dekeda Berbera ay la wareegto wax kamid ah shixnadaha Itoobiya ee hada soo mara dekedaha Jabuuti.