7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Jawaari
 

Sabti, Juun, 29, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka qayb galay Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Shalay galinkii dambe ku geeriyooday hoyga uu ka daganaa magaalada Muqdisho.

Allah u naxariiste Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Salaada Janaasada lagula Tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka, waxaana madaxda Aaska iyo Janaasanada Marxuumka ka qeyb gashay ka mid ahaa gudoomiyaha Golaha Shacabka, Raysal Wasaaraha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka, masuuliyiin iyo dadweyne Kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay geerida Marxuumka ayaa sheegay in marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay qaar ka mid ah qoyska marxuumka oo ay ku kulmeen goobta Salaada janaasada ah lagula Tukanaayay, wuxuuna Alle uga baryey samir iyo iimaan iyo inuu marxuumka ugu deeqo Jannatul Firdowsa.

Ugu dambeyntii Allah u naxariiste gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ahaa tiir weyn oo ka mid ah tiirarka astaanta u ahaa dowlad dhiska Soomaaliya.