7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2024
Booliiska Somaliland oo faah faahin ka bixiyay xadhiga Cismaan Cumar Dool
 

Sabti,  Juun, 22, 2024 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga Waddani, oo dhawaan xabsiga loo taxaabay ku eedeeyay qarandumisnimo iyo dagaal oogis.

Afhayeen u hadkay booliiska ayaa yidhi "Waxa uu dadwaynaha Somaliland ku dhiirigalinayay in ay ka horyimaadaan shuruucda iyo kala danbaynta dalkan u dagsan, safarkii ugu danbeeyay waxa uu dadwaynaha ku boorinayay in ay ka dagaalamaan hadii isaga la xidho".

Booliiska ayaa soo bandhigay muuqaalo iyo qoraalo uu Dool bulshada ku dhiirigalinayo in ay sharciga ka hor yimaadaan iyo in ay qoryaha qaataan oo ay dagaalamaan.

Booliisku sidookale, waxa uu soo bandhigay muuqaal uu ciidamada kala duwan ugu baaqayo in ay amardiido sameeyaan, oo ay ku biiraan Jabhadii Gacanlibaax.

Sida booliisku sheegay saaka ayaa Dool la horgeeyay maxkamada iyada oo ay xeer ilaalintu maxkamada u akhriday eedaha loo haysto.

Dool ayaa ka hor intii aan 20kii bishan lagu xidhin madaarka Cigaal ee Hargaysa, baraha bulshada ku baahiyay muuqaal uu bulshada ugu baaqayo in ay dagaalamaan hadii la xidho.