7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2024
Iiran oo lagu eedeeyay inay gadaal ka riixayso in Xuutiyiintu hub siiyaan Alshabaab
 

Sabti,  Juun, 22, 2024 (HOL) - Dowladda Iiran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka riixayso sidii Xuutiyiinta dalka Yemeniinta ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Saraakiil katirsan sirdoonka Maraykanka oo qariyay magacooda in la xuso ayaa wakaaladaha wararka u  sheegay in Iiran ay qeyb ka tahay qorshaha Xuutiyiintu hub ku siin karaan kooxda Al-Shabaab.

Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in Iiran ay doonayso inay xoojiso saamaynteeda gacanta Cadan, si weerraro ka dhan Maraykanka looga geysto halkaas.

Mareykanka ayaa horey uga digy iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay.

Sirdoonka Maraykanku waxa uu sare u qaaday suurtagalnimada in arrintaan ay ugasii dari karto xaaladda Soomaaliya, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo Xuutiyiintu ay weerraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo hantida ciidamada Maraykanka tan iyo  dagaalka Gaza.

Maraykanka waxa uu sheegay in qorshaha Iiran ay ku doonayso in Xuutiyiintu ay al-Shabaab siiyaan ilo cusub oo hub ah, ay keeni karto in Alshabaab ay gacanta u galaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si ay ugu weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.