7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2024
Midowga Afrika oo taageeray codsiga Soomaaliya ee dhismaha howlgal cusub oo badala ATMIS
 

Jimco, Juun, 21, 2024 (HOL) - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray codsiga Soomaaliya ee ku aaddan in la dhiso howlgal cusub oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika, ka dib marka uu dhamaado howgalka ATMIS.

Warsaxaafadeed kasoo baxay kulan ay yeesheen guddiga ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay, in howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu diiradda saari doono taageeridda dowladda federaalka ah si loo wiiqo Al-Shabaab iyo ka qayb qaadashada hawlgalada ka hortagga kooxaha argagixisanimada.

Dhinaca kale waxay si xooggan u taageereen codsigii Soomaaliya ee ahaa in Wajiga 3aad ee bixitaanka ATMIS, uu noqdo mid loo qaybiyo laba qaybood, kuwaas oo kala ah, 2000 oo askari oo baxaya dhammaadka bishaan Juun 2024, iyo 2000 oo baxaya dhammaadka Sebtembar. 2024.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ammaanay dadaalka ay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa ku bixinayaan dhinacyada kala duwan ee hawlaha dawlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo saaxiibbada caalamkana loogu baaqay in ay joogteeyaan taageerada ay ku bixinayaan ka-miro-dhalinta dadaallada nabadda.