7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2024
Faysal Cali Waraabe: Taageerayaasha Xisbiga Waddani ma xidhi karaan madaarka
 

Jimco,  Juun, 21, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray xadhiga Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga Waddani.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay qalalaasihii shalay ka dhacay madaarka Cigaal ee Hargaysa ayaa sheegay in uu ka danbeeyay xisbiga Waddani oo si qabyaaladaysan u olollaynaya.

"Caruurteenii ayaa la xumaynayaa, oo inta lacag la siiyo qabiil lagu talaalayaa, waxa waxa ka shaqaynaya waxa weeyi siyaasiyiin qaar isku sheegaya iyo qaar cumaamado sita ayaa ka shaqaynaya" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa  uu taageeray xadhiga siyaasi Cismaan Cumar Dool, isaga oo uu ku dooday in Dool uu yahay shakhsi aflagaado badan, isla markaana uu xadhigu dan u yahay.

"Waxan leeyahay badbaadadiisa ayay ahayd, hadii aan sida la yeelina suuqa ayaa lagu dili lahaa, xisbiga Waddani taageerayaashiisu madaarka ma xidhi karaan" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu Waddani ku eedeeyay in uu imaatinka siyaasigooda ku beegay xili uu madaarka ka dhoofayay wafti Maraykan ah oo Somaliland u yimid xaqiiqo raadin.