7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2024
Dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay magaalada Qoryooleey
 

Arbaco, Juun, 19, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa gudaha magaalada Qoryooleey ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga, kuwaas oo horay ugu wada dagaalamay gudaha degmadaasi iyo deegaano hoostaaga.

Beelaha dirirtu maanta ku dhexmartay Qoryooley oo kala Garre iyo Jiide ayaa colaada u dhaxeysa waxay ka bilaabayay dilal ku saleysan aanooyin qabiil oo dhawaan ka dhacay gudaha degmadaas, kadib markii lagu dilay afar ruux oo labada beelood kasoo kala jeeday.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedkaan ayaa sheegaya in ilaa sadax ruux oo labada dhinac ah ay ku dhinteen, islamarkaana uu jiro dhaawac intaas ka badan.

Dagaalkaan ayaa maanta si weyn u saameyay dhamaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaaladaas, waxaana wali la dareemaya xaalad kacsanaan ah, maadama maleeshiyaadkii dagalaamay aysan wali ka fogeyn goobahii ay ku dagaalameen.