7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2024
Ciidamada Uganda ee ATMIS oo Milatariga Soomaaliya ku wareejiyay saldhigga Bariire
 

Arbaco, Juun, 19, 2024 (HOL) - Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in saldhiga Bariire ay ku wareejiyeen ciidamada nabad sugida Soomaaliya, taasi oo bilow u ah wajigii saddexaad ee dhimista ciidamada.

ATMIS waxa ay sheegtay in Saldhigga Milatari oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ciidanka ATMIS gacanta ku hayeen tan iyo 2019, uu leeyahay muhiimad istiraatijiyad ah maaddaama uu yahay goob difaac ah oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wareejinta saldhiga ciidamada Bariire kaliya ma ahan wareejinta hantida maguurtada ah, balse waxay astaan u tahay horumarka aan si wadajir ah uga sameynay howlgalka aan wadaagno," ayuu taliyaha ciidamada Uganda ee ATMIS Anthony Lukwago Mbuusi.

“Waxaan si wada jir ah uga shaqeyn doonaa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd mustaqbal ifaya, kaasoo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam, iyo hadafka guud ee ah in la helo nabad waarta,” ayuu yiri Mbuusi oo saldhigga Bariire ku wareejiyay Muxudiin Axmed, oo kamid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA).

Sarkaalkan ayaa ku ammaanay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ATMIS sida ay uga go’an tahay kala guurka iyo sida ay ugu hureen xaqiijinta nabad ku soo laabashada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ciidamada XDS ay sii wadi doonaan sugida amniga deegaanka Bariire iyo dadka ku nool oo ay ka ilaalinayaan weerarada Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubeysan.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya kala baxay 5,000 oo askari, waxayna ku wareejiyeen 17 saldhig ciidan ciidamada ammaanka Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii 1aad iyo 2-aad ee dhimista ciidamada ee sanadkii 2023-ka.