7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2024
Ku dhawaad 30 xubnood oo Al-shabaab looga dilay duqeyn ka dhacday Galgaduud
 

Isniin, Juun, 17, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa Xalay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Duqeynta dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo watay gaadiid isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa Xamuulka qaado.

Howlgalkaan duqeynta ah ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Xawaal xoreey iyo Raage Bariir, waxaana lagu dlay inta la xaqijiyay 28 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 86-aad guutada 77-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdinuur Yuusuf Qadaaye oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in duqeynta Xalay dhacday lagu gubay gaari dagaal oo Cabdi Bille ahaa iyo labo gaari oo ah nuuca Soomaalidu u taqaano BG ee xamuulka qaada.

Taliye Cabdinuur ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha kooxda Al-shabaab ee Xalay duqeynta lala eegtay iney wadaan abaabulka weeraro ay kusoo qaadaan fariisimaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, hayeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay duqeyntaan uga hortageen.

Gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe waxa wali si xoogan uga socda howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka, kuwa dadka deegaanka iyo Saaxiibadda Caalamka oo dhanka cirka ka taageera howlgaladaas.