7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2024
Puntland oo xirtay mid kamid ah burcad badeeddii weerartay markabka MV Abdullah
 

Isniin, Juun, 17, 2024 (HOL) - Maxamed Suufi rasaas oo la sheegay inuu kamid ahaa burcad badeeddii weerartay Markabkii MV Abdalla, kana mid ahaa ragii lacagta madax furashada ka qaatay markabkaas, ayay ciidanka booliiska Puntland gacanta ku dhigeen.

Ciidanka booliiska oo sheegay inay la socdeen xogta Maxamed Suufi Rasaas, ayaa sheegay inay ku qabteen magaalada Garawe halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayey maalmihii lasoo dhaafay.

Booliiska waxay sheegeen inuu kamid ahaa afduumashaayshii markabkii MV room, isaga oo markii danbe usoo wareegay markabkii MV Abdalle.

Booliiska waxay sheegeen inuu kamid ahaa burcaddii lacagta madax furashada ka qaadatay markabkaas.

Bishii Abril bartamaheeda ee sannadkan ayay ahayd markii madax furasho ah shan milyan oo dollar ah laga qaatay markabka MV Abdullaah, kaddib markii burcad badeeddu ay gacanta ku dhigeen.