9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2024
Dowladda Soomaaliya oo lagu booriyay inay ka laabato Hindise Sharciyeedka Warfaafinta
 

Axad, Luulyo, 28, 2024 (HOL) - Xiriirka caalamiga ah ee saxafiyiinta (IFJ) ayaa ku booriyay dowladda Soomaaliya in ay ka laabato sharciga macluumaadka rasmiga ah ee (OIB) iyadoo sheegtay in sharciyadan ay saameyn ku yeelan karaan xaqa macluumaadka.

Sida ay sheegtay IFJ, sharcigaan ayaa si weyn uga hor imaanaya halbeegyada caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga moodeelka Midowga Afrika ee helitaanka macluumaadka iyo sidoo kale dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa in ay ku dadaasho in ay sameyso dib u eegis dhameystiran si loo waafajiyo Hindise Sharciyeedka Hab-dhaqanka Wanaagsan ee Nidaaminta (GRPs)” ayaa lagu yiri bayaanka IFJ.

“Hadii Hindise Sharciyeedka Warfaafinta ee rasmiga ah loo ansixiyo qaabka uu hadda yahay, waxa uu si weyn u wiiqi doonaa xoriyada xogta iyo daah-furnaanta Soomaaliya, taasi oo awood u siineysa sirta dowladda, waxaana suuragal ah in uu sare u kaco musuqmaasuqa iyo ku takri falka awoodda. Qodobbada sharciga ah ee aan caddayn waxay caqabad ku noqon doonaan isla-xisaabtanka waxayna dhaawacayaan kalsoonida ay Soomaaliya ku qabi karto saaxiibada caalamka, taasoo caqabad ku noqon doonta horumarka laga gaarayo dowlad-wanaagga iyo xasilloonida dhaqaalaha." ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay IFJ.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee IFJ Tim Dawson ayaa sheegay in sharciga warfaafinta ee rasmiga ah sida uu yahay uu ka dhigan yahay khatar weyn oo ku wajahan xoriyadda macluumaadka iyo dowlad wanaaga Soomaaliya.

“Waxaan ka codsaneynaa dowladda Soomaaliya in ay si degdeg ah uga laabato sharcigan oo ay dib u eegis ku sameyso si loo gaarsiiyo heerarka caalamiga ah. Ilaalinta xuquuqda macluumaadka waxay muhiim u tahay ilaalinta mabaadi'da dimoqraadiyadda iyo kobcinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamkaba. Isbeddelladan la'aantood, Soomaaliya waxay halis ku yihiin dowlad wanaagga iyo hirgelinta dimoqraadiyadda," ayuu yiri Dawson.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, ayaa bayaan uu soo saaray, ku sii adkeystay in hindise sharciyeedka uu noqon karo mid aan si cad loogu tixgalin karin dejinta siyaasad loo dhan yahay taasoo wiiqeysa qiyamka asaasiga ah ee dimoqraadiyadda, iyo wax ku oolnimada sharciga.