9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2024
Wasiirka Gaashaandhiga oo si adag uga hadlay dhaliilo loo jeediyay dowladda Fedaraalka
 

Axad, Luulyo, 28, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa si adag uga jawaab celiyay dhaliilo qaar ka mid ah siyaasiyiinta u jeediyeen dowladda Fedaraalka.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay iney jiraan siyaasiyiin xil ku raadinaya sharaf dilka ciidamada qaranka oo maalin walba baraha bulshada la taagan wax ka sheega ciidanka xoogga dalka oo shaqada ay hayaan ay tahay mid aan la dafiri karin.

“Maanta waxaa laga wada hadlayaa in doorasho lagu qabto goobaha laga saaray Al-shabaab ee ma ahan in ciidamada sharafkooda lagu dhex jiro oo wax laga raadiyo mansab iyo xil ah” ayuu yiri wasiirka Gaashaanshigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka in siyaasiyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay taageerada iyo dhiiragalinta ciidanka xoogga dalka oo guulo la taaban karo ka gaaray dagaalada dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab.

"Saaxiibada siyaasadeed ee siyaasadda dowladda dhaleeceynaya waxyaabo kale ayaa u furan inaan ka wada-hadalno, laakiin lama aqbali karo in Daawada cadeyga ay ka dhigtaan ciidankeena” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka ee ku socda siyaasiyiinta uusan shaacin magacyadooda ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhaliilay habka ay dowladda Fedaraalka u maareysay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.