Gabar Soomaali American ah oo kamid noqotay Golaha Deegaanka ee magaalada St. Cloud
Khamiis, December, 5, 2024 (HOL) - Hudda Ibrahim oo ah Gabar Soomaali American ah ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada St. Cloud, ee gobolka Minnesota ee dalka mareykanka, iyada oo loo dhaariyay xafiiska 2-da Diseembar 2024.
Hudda Ibrahim, oo 39 jir ah, waxay taariikh cusub dhigtay Isniintii iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo loo doorto Golaha Deegaanka ee magaalada St. Cloud, Golaha ayaa si wadajir ah ugu codeeyay in loo magacaabo booska bannaan ee Ward 3, taas oo lagu beddelay Jake Anderson, oo dhawaan loo doortay duqa magaalada St. Cloud.
“Arrintani waxay ahayd mid waqti dheer la sugayay, In goluhu isku raaco magacaabistaada waxay muujinaysaa awooddaada hoggaamineed” ayuu yiri Dave Kleis, oo xilka duqa magaalada ka tagaya, kana mid ahaa kuwa dhaariyay Hudda Ibrahim.
Hudda Ibrahim waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxaana ay ku nooshahay magaalada St. Cloud, in ka badan labaatan sano, Waxay leedahay waayo-aragnimo ballaaran, iyadoo ah macallin, qoraa, iyo hoggaamiye urur samafal, Waxay shahaadada koowaad ka qaadatay College of St. Benedict, shahaadada labaad ee xalinta khilaafaadka ka qaadatay University of Notre Dame, iyo PhD tacliimeed oo ay ka heshay St. Mary’s University ee Minnesota.
“Anigu keliya ma ihi qof madow, Waxaan ahay qof karti iyo aqoon leh Waxaan ahay hoggaamiye.” ayay tiri Hudda Ibrahim.
Hudda Ibrahim waxay hore ugu tartantay booska Golaha Deegaanka ee guud sanadka 2024, laakiin waxay kaalinta shanaad ka gashay doorashada guud, Inkastoo aysan ku guuleysan tartankaas, ololaheedu wuxuu iftiimiyay arrimo muhiim ah sida horumarinta dhaqaalaha, iyo badbaadada dadweynaha kuwaas oo ay qorsheyneyso in ay mudnaanta siiso inta ay xilka hayso.
Magacaabisteedu waxay ka tarjumeysaa doorka sii kordhaya ee bulshada Soomaaliyeed ee magaalada St. Cloud, kuwaas oo ku soo kordhay magaalada si weyn labaatankii sano ee la soo dhaafay.