Khamiis, December, 5, 2024 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa bilawday iney diiwaan galiso boqolaal askari oo ka mid ahaa ciidamada Jubbaland ee maalmahii lasoo dhaafay kusoo biiraayay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Askartaan kusoo biirtay dhanka dowladda ayaa loo diiwaan gelinaya si ay u heleen xaquuq la mid ah tan leeyihiin ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Ciidamadaan ay haatan dowladda u diiwan galineyso xaquuqdooda ayaa ahaa kuwa la sheegay in markii hore Jubbaland u soo dirtay iney la dagaalamaan ciidanka dowladda ee la geeyay Raas kambooni, islamarkaana go'aankii dagaalka ee loo soo diray u badalay iney ku biiraan ciidanka xoogga dalka, sidaas waxaa warbaahinta Qaranka u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysay ciidankaas.
“Waxaan ka mid ahaa saraakiisha ka soo xarootay Jubaland ee loo soo diray inay calankooda xabadeeyaan, waa diidnay, go’aankeena maaha inaan calanka Soomaaliya xabadeyno, 14-sano ayaan u shaqaynayey Jubaland wax xuquuq ah ma lahayn” ayuu yiri Khadar Cali Ibraahim oo ka mid ah ciidamada la diiwaangeliyey.
Talaabadaan lagu diiwaan galinayo ciidamadii kasoo goostay Jubbaland ayaa imaaneysa, iyadoo dowladda Soomaaliya horay ugu balan qaaday abaalmarino darajo ciidan iyo iney helayaan xaquuqda askarinimo, waxaana taasi ay sababtay iney kordhaan tirada ciidanka Jubbaland ee ku biiraya kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Raas kambooni.