12/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2024
Falanqeeyayaasha amniga oo ka digaya caqabado ay ciidamada Puntland kala kulmi karaan la dagaalanka Daacish
 

Talaado, December, 3, 2024 (HOL) - Khubarada amniga ayaa walaac xooggan ka muujiyey awoodda ay Ciiddanka Puntland u leeyihiin inay ka hortagaan Khatarta Daacish ee soo korortay.

Dhulka buuraleyda ah ee Calmadow iyo Cal Miskaat ayaa caqabado waaweyn ku ah howlgallada ballaaran ee ciidamada Puntland ay qorshaynayaan, taasoo adkeyneysa in ciidamada ay helaan goobo istiraatiiji ah.

Xaaladaha jiilaalka, gaar ahaan laga bilaabo Noofambar ilaa Jannaayo, waa caqabad kale, maaddaama cimiladu ay caqabad ku tahay dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo saadka.

Caqabadahan, ayay falanqeeyayaashu ka digayaan, in ay si weyn u xaddidi karaan awoodda ciidamada Puntland si ay u fuliyaan hawlgallo wax ku ool ah oo lagaga hortagayo kooxda Daacish.

Isballaarinta Daacish ee Geeska Afrika ayaa keentay qeylo dhaan. Warar sirdoon ah ayaa sheegaya in Daacish ay saldhigyo ciidan oo badan ka sameysteen gudaha buuraha Cal Miskaat. Saldhigyadan ayaa ku badan goobo muhiim ah sida Moqoro, Dhabancaddo, Canjeel, iyo Siido, kuwaas oo dhamaantood ku teedsan togga Balade oo soo gala magaalada Boosaaso.

Intaa waxaa dheer, Daacish waxay dhistay waddooyin isku xira saldhigyadan oo ay ka mid yihiin Gargoore oo u dhow badweynta Hindiya, Hantaara, togga Xabley, iyo tuulada Tasjiic.