12/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2024
Heshiis xabad joojoojin oo la kala dhex dhigay beelo ku dagaalamay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
 

Talaado, December, 3, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in heshiis xabad joojin ah kala dhex dhigaan laba maleeshiyo beeleed oo dhawaan ku dagaalamay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa aqbalay heshiiska xabad joojinta ah ee lakala dhex dhigay labada ciidan ee isku horfadhiyay maalmahii lasoo dhaafay deegaano u dhaxeysa Jalalaqsi iyo Ceel baraf.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka labada beelood ee aqbalay xabad joojinta si loo sii anbo qaado dadaalada dhab u hishiisinta beelaha walaalaha ee dirirtoodu soo laablaabtay.

"Waa in si dhab ah loo daweeyo boogaha sababayo Colaada deegaanada xaduuda ku soo noq noqday midaas oo aan dan ugu jirin hormarka guud ee deeganada dowlad gobaleedka Hirshabelle si Wadajir loogu sii anbo qaado halka cadaw ee aay leeyahiin beelaha walaalaha ah, kaasoo ah khawaarijtii aay iska xoreeyen sanado ka hor" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska maamulka gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha gobalka hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa faray ciidamada Qalabka sida adkeeynta dhaqan galinta hishiiska nabadeed si loo helo xal nabadeed oo kama dambeeys ah.