12/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2024
Dowladda Soomaaliya oo Ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay weerareen Saldhigyada Ciidanka Qaran ee Doolow
 

Isniin, December 23, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareeysay xadgudub ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gedo ay ka geeysteen magaalada Doolow oo ay weerareen saldhigyada ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Warka Dowladda kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Saakay abaare 10:00AM, ay Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah ku qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo, Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska.

Dowladda Soomaaliya waxa ay qoraalkeedi ku xustay in intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ay dil iyo dhaawac u geysteen xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi, Sidoo kale waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamtay in Falkaan maanta ka dhacay Degmada Doolow lagu soo beegay xilli ay Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa.

Ugu dambeyn Dawladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay tallaabadii ay maanta qaadeen ciidanka Itoobiya, waxaana ay halis gelinaysaa nabad-ku-wada-noolaanshaha, Sidoo kale Dawladda ayaa uga digtay Itoobiya inaysan ka aamusi doonin tallaabooyinkan cad ee ku xadgududbka madaxbannaanida Soomaaliya.