Hiiraan Online
12/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2024
Fartaag " Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha ayaa amray inay Ciidamada Dowladda iskaga baxaan Raaskambooni"
Isniin, December 23, 2024 (HOL) - Wasiirka amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Sheekh ismaaciil Fartaag oo la hadlaayay Bulshada ku nool Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan iyo Ra'iisul Wasaare Xamse ay amreen in aysan Ciidamada Dowladda la dagaalamin kuwa Jubaland ayna dib uga ruqaansadaan degaankaasi.
Fartaag waxa uu eedeeyn kulul ujeediyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo uu sheegay in mudadii uu Madaxweynaha ka ahaa inuusan wax duulaan dagaal ku qaadin Degmada Jamaame oo 60km u jirta magaalada Kismaayo halka uu ku duulay ciidamada Dowladda oo uu uga duulaay meel fogaan 300Km u jirta magaalada Kismaayo.
Shacabka reer Gedo ayuu Fartaag ugu baaqay inay codkooda xor u noqdaan oo ay aayahoodi katashadaan.
Wasiir Fartaag iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay booqasho ku joogaan magaalada Garbahaareey halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin Waxgaradka iyo Bulshada Degmada si Dowladda ay uga gado ajendaha ah inaysan ku qanacsaneen doorashadii uu qabsaday Madaxweynaha Jubaland kuna guuleystay markale inuu noqdo Madaxweynaha maamulkaasi.
Hadalka Fartaag waxa uu imaanayaa maalin kadib markii Madaxweyne kuxigeenka 1aad Maxamuud Sayid Adan uu ku eedeeyay xubnaha Dowladda ka socda ee kusugan Gedo inay dab kusii shidayaan khilaafka maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka.