Khamiis, December 19, 2024 (HOL) - Agaasimaha guud ee Waaxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Feysal Maxamad Xaashi ayaa ka hadlay cabashada ka taagan dhanka Canshuurta Iibka ee ganacsiyada suuqa Bakaaraha iyo xirnaashaha xarumaha qaar.
Agaasime Feysal ayaa sheegay in ganacsatada uu todobaaadkaan gudahiisa uu la kulmay dhowr jeer si cabashadooda u dhageystaan, islamarkaana ay diideen qaar ka mid ah ganacsatadu ay diideen iney xogta la wadaagaan dowladda.
“Arrinta suuqa ka jirta waan la soconaa qaar kamid ah ganacsatada waxaay diideen in la xisaabiyo dhaqdhaqaaqa uu sameeyay Ganacsiga iyo iney ka jaranto canshuurta lagu leeyahay, u jeedadada waxay tahay in la ogaado ganacsiga shaqeeyo iyo kan aanan shaqeyn, waxaan aragnay ganacsato la baxsanaya cansuurta Iibka oo aan waxba ku iibineyn Merchant” ayuu yiri Agaasime Feysal Maxamed Xaashi.
Wuxuu sidoo kale sheegay Agaasimaha guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya ineysan jirin canshuur dheeraad ah oo ay ku soo kordhiyay Suuqa Bakaaraha, hayeeshee dowladda ay dooneyso in ganacsatadu ay fuliyaan si sax ah bixinta Canshuurta Iibka.
Hadalkaan kasoo yeeray Agaasimaha guud ee Waaxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay xirnaayeen qaar ka mid ah ganacsiyada waa weyn ee Suuqa Bakaaraha, kuwaas oo cabasho ka ahaa dowladda.