Axad, December, 15, 2024 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa sheegay in khataro halis ah ay soo wajahday ammaanka Soomaaliya, ka dib markii laga qaaday cunaqabateynta hubka ee saarnayd Soomaaliya.
Wasiir Juxa ayaa ku andacoodey in hubka la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya loo adeegsaday Khilaafyo Siyaasadeed oo salka ku haya Dano shaqsi iyo mid Siyaasadeed.
Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo dhawaan la geeyay deegaanka Raaskambooni ee maamulka Jubbaland, isagoo ku tilmaamay mid lagu doonayo in lagu qalqal geliyo dowlad federaal ah oo nabad ah.
“Waa fal mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo aan ku habooneyn in lagu aamino hubkaas” ayuu yiri wasiir Juxa.
Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si khaldan u isticmaashay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka oo loogu talagalay in lagula dagaalamo kooxda Alshabaab.
“Maamulka Puntland wuxuu ku baaqayaa in dib loo soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya si looga hortago dagaal sokeeye. Waxaa muuqata in Soomaalidu aysan xamili karin mas’uuliyadda ka dhalan karta qaadista cunaqabateynta hubka” ayuu yiri Juxa.
Waxa uu xusay in aysan jirin xeerar cad oo qeexaya isticmaalka tirada kooban ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay heystaan Ciidanka Soomaaliya.