Axad, December, 15, 2024 (HOL) - Dagaal maalintii labaad galay ayaa ka soconaya magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ay ku dagaalamayaan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada.
Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii qaar kamid ah ciidamada SSC Khaatumo ay si qarsoodi ah u soo galeen magaalada maalmihii u danbeeyay, isla markaana magaalada hub la soo geliyay.
Dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ciidamada Somaliland ay qabteen qaar ka mid ah dagaalyahannada ku sugan xaafadaha qaarkood. Si kastaba ha ahaatee, khasaaraha rasmiga ah ayaan weli la xaqiijin.
SSC Khaatumo oo dagaalka war kasoo saartay ayaa sheegtay in ciidamada Somaliland ay weerareen shacabka magaalada, isla markaana, ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan, Khaatumo waxay dhanka kale sheegtay in ay difaacayaan magaalada.
Booliiska Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha lagu diriray shalay iyo maanta, waxaana jira shacabka qaar oo ka qaxay magaalada.
Somaliland ayaa dhawaan kusoo rogtay magaalada bandow kadib markii ay soo korodhay nabadgelyo-darro. SSC Khaatumo ayaa rabta in qaybo kamid ah magaalada ay ka taliso, halka Somaliland-na ay diidantahay.