9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2024
Guddida Nabadgalyada Gobolka Sanaag oo amaro cusub soo saaray
 

Jimco, Agoosto, 30, 2024 (HOL) - Guddida Nabadgalyada Gobolka Sanaag, ayaa amar ku bixisay in la joojiyo dadka qaar oo bilaabay in ay ka qaxaan magaalada Ceerigaabo, sidookale bandowga magaalada saaran  ayay sii xoojiyeen.

Guddida nabadgalyada ayaa amar ku bixiyay in anay jirin cid ka bixi karta magaalada oo qaxaysa, guddidu waxay sheegtay in qaxa ay samaynayaan qoysaska qaar kood uu abuurayo xaalad cabsi ah.

"Waala qaxaya, qaxaasi haduu ka dhamaado magaalada waad garanaysan sida ay ku danbaynayso, waynu soo marnay qax, dil waa soo marnay dagaal waa soo marnay, khayr kamaynu helin, maantana hadaynu qaxno halkii uunbay ku noqon, waar dadkana ma joojina nadabana ma u midownaa" Duqa Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa sida yidhi.

Guddidu waxa ay sii xoojiyeen bandaw lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa baabuurta oo ka bilaabanayay 4:00 galabnimo, iyaga oo soo kordhiyay in sidookale wixii ka danbeeya 6:00 fiidnimo aan la arki karin dad dhex socda magaalada si nabada gacan loogu qabto.

Kadib dilal aano qabiil salka ku hayay oo ka dhacay magaalada Ceerigaabo dadwaynaha ayaa cabsi dareemayay, iyada oo dadka qaarkood ay bilaabeen in ay ka qaxaan magaalada. Dhinaca kale xukuumada Somaliland ayaa ciidamo booliis iyo millateri iskugu jira ku daad guraysay magaalada iyo hareeraheeda.

Wararka ayaa sheegaya in askari kamid ah askartii amaanka sugaysay xalay la dhaawacay, kadib markii uu qof shacab ahi guri kasoo toogtay, kadib ciidanka ayaa rasaas riday, waxaana halka ku dhaawacmay qof shacab ah.