9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2024
Macalin Mahdi: Askarta dowladda mushaarkooda iyo qoryahooda waxay ku cayaaraan 1XBET

Jimco, Agoosto, 30, 2024 (HOL) - Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, ayaa walaac weyn ka muujiyay in isticmaalka qamaarka 1XBET uu sabab weyn u yahay kororka fal dambiyeedyada ka dhex dhaca askarta Dowladda.

Taliyaha ayaa sheegay askar badan markii ay helaan mushahaarkooda, inay ku isticmaalaan 1xbet, kuwaas oo marka uu ka dhamaado u dhaqaaqa dhaca shacabka si ay u helaan dhaqaale ay ku cayaaraan 1xbet, sida uu sheegay taliyuhu.

"Markii ay ku khamaaraan mushaharkooda iyo qoryahooda iyagoo ka bilaabaya wax ka yar shan ama toban dollar, waxay galaan falal dambiyeedyo, sida dhaca Moobaylada iyo xitaa inay dilaan dadka diida inay dhiibaan telefoonadooda,” ayuu yiri macalin Mahdi.

Taliyuhu wuxuu xaqiijiyay in dawladda Soomaaliya ay qaadayso tillaabooyin ay arrintan wax kaga qabanayso iyada oo dhaqangelinaysa mamnuucidda barnaamijyada khamaarka sida 1xbet.