7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 28, 2023
Maxkamada gobolka Banaadir oo ku dhawaaqday xukunka 11 masuul oo loo haystay dambiyo musuq maasuq
 

Khamiis, September, 28, 2023 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukunno isugu jira xabsi iyo xorriyad u soo celin ku riday 11 kamid ah masuuliyiin dowladeed oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku socotay dacwad ku saabsan dambiyo musuq maasuq.

Maxkamadda ayaa qaar kamid ah ku xukuntay xukunno dhaadheer oo gaaaraya ku dhawaad toban sano, waxayna sidoo kale ka mamnuucday in ay mar dambe qabtaan shaqo dowladdeed.

Waa kuwaan magacyada masuuliyiin la xukumay.

Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, agaasimihii waaxda ajaanibta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, waxaa lagu helay qaar kamida ah dambiyada loo haystay, waxayna maxkamaddu ku xukuntay hal sano xarig ah.

Cumar Macallin Nuur Cali, oo ahaa ku xigeenkii agaasimaha waaxda ajaanibta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, waxaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah.

Saabir Xasan Cabdi Nuur, madaxii hubinta fiisooyinka ajaanibta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya. Waxaa lagu xukumay 3 sano iyo 6 bilood oo xarig ah.

Aadan Maxamed Cabdi, maamulihii xafiiska fiiso qaadashada ee hay’adda socdaalka, waxaa lagu waayay dhammaan dambiyadii lagusoo eedeeyay, waxaana dib loogu celiyay xorriyadiisii.

Cabdiraxmaan Cabdi kariim Ibaarhim, oo maqane ah, ahaana madax qeybeedka rukhsad siinta ajaanibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Waxaa lagu xukumay 9 sano oo xarig ah. Waxaana laga joojiyay inuu xafiis dambe oo dowladeed ka shaqeeyo.

Cabdullaahi Maxamed Cali- agaasimihii guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, waxay maxkamaddu ku weyday dambiyadii loo haystay, waxayna dib ugusoo celisay xoriyadiisii.

Maxamed Cadde Muqtaar Cabdiraxmaan, agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, waxaa lagu waayay dambiyadii lagusoo eedeeyay, waxaana dib loogu celiyay xoriyadiisa.

Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim, oo maqane ah, ahaana shaqaale katirsan waaxda ruqsiinta ajaanibta ee waaxda sharciga wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, waxaa lagu waayay dambiyadii lagusoo eedeeyay.

Abuubakar Maxamed Cali, maamulihii xafiiska canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda ee laanta garoonka Aadan Cadde, waxaa lagu xukumay xarig wadareed dhan 8 sano. waxaana laga joojiyay shaqo dowladeed oo dambe.

Cabdiqaadir Cabdi Socdaal, ahaana qasnajiga bangiga dhexe laanta garoonka Aadan Cadde maamulaha bangiga dhexe ee laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, waxay maxkamaddu ku weyday dambiyadii lagusoo eedeeyay, waxayna usoo celisay xorriyadiisa.

Maxamed Aadan Cabdullaahi, ahaana maamulaha bangiga dhexe ee garoonka laanta garoonka Aadan Cadde, waxaa lagu xukumay 8 bilood oo xarig ah.