7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 28, 2023
Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay degmada Buula burte

Khamiis, September, 28, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada.

Qaraxa ayaa lasoo wariyay inuu ka dhacay meel aan sida uga fogeyn suuqa lagu iibiyo Hilibka oo ku yaala bartamaha degmada Buula burte.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa iyo waliba nooca uu yahay, maadama isgaarsiinta magaalada hawada ka maqa tahay.

Degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan waxaa horay uga dhacay qaraxyo waa weyn oo isugu jira Ismiidaamin iyo kuwa kale oo ay kooxda la beegsaday goobo muhiim ah oo ay ka mid tahay Buundada degmadaasi oo ay damacsanayeen iney gabi ahaaba burburiyaan.

Lasoco wixii kusoo kordha warkan.