7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 3 , 2023
Howlgal loogu magac daray xidido siibka Al-shabaab oo looga dhawaaqay Hiiraan
 

Talaado, October, 3, 2023 (HOL) - Howlgalkaan loogu magac daray xidido siibka kooxda Al-shabaab ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawisleeyda.

Howlgalkaan ayaa waxaa dadka hoggaaminaya ka mid ah Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo ka tirsan Xildhibaanadda Golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan.

Xildhibaanka oo goob fagaare ah kula hadlaayay ciidamada iskaashanaya ayaa sheegay in howlgalkaan uu muhim u yahay ka hortagida qaraxyada ay kooxdu ka fuliso deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan oo laga saaray kooxda sanadkii lasoo dhaafay.

“Dagaalka aan ugu magac darnay Xidido siibka Al-shabaab  waa mid laga siibayo deegaanada Jiinka Webiga dhaca oo aanay awood ku joojin balse Dhuumaaleysi ku yimaadaa, Inta ay qayb kamid ah Hiiraan joogaan hubka waan wadan doonaa sababtoo ah magaca gobolkaan inta aan sheeganeyno dagaalka waan wadi doonnaa" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir.

Wuxuu sidoo kale xusay Xildhibaanka in kooxdu ay jiinka wabiga Shabeelle oo ay si dhuumaleysi ah ku yimaadaan ay kaga ciribtiri doonaan mudo kooban.

"Laba Bilood ayaan Khawaariijta uga saareynaa Jiinka Webiga” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir.

Wuxuu ugu baaqay shacabka reer Hiiraan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xureynaayo kooxda Al-shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa ah gobolkii ugu horeeyay oo uu si toos ah uga bilaawdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, kaasoo haatan si weyn ugu faafay guud ahaan gobolada dalka.